Senator ka tirsan Mareykanka oo sheegay dilkii Jamaal inuu ka dambeeyay Mohamed Bin Salmaan

0
38

Washington(SPO)- Senator ka tirsan Golaha Koongareeska Mareykanka, ayaa sheegay inay jiraan daliilo cad oo muujinaya in Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dilkii wuxuushnimada ahaa ee loo gaystay Suxufi Jamal Khashoggi oo lagu dilay dalka Turkiga.

Xubnaha Koongareeska qaarkood, ayaa diidan hadalki Madaxweyne Trump ee ahaa inuunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga.

Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaadan laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay.

Mudane kale oo ka tirsan Xildhibaanada Jamhuuriga kana soo gala Koongareeska Mareykanka gobolka South Carolina, Senator Lindsey Graham ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Kashikji.

Sacuudiga ayaa beeniyay in dhaxalsugaha Boqortooyada uu wax lug ah ku lahaa dilka saxafiga loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, labadii bishii October.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here