Shabaab & Ciidamada DFS oo Degmada Kaxda ku dagaalamay

0
192

Muqdisho(SPO)- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Nabad Suggida iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay Degmada Kaxda, kadib Ciidamada Nabad Suggida ay weerareen xaafad ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Xaafadda Khabuuraha ee Degmada Kaxda ayaa waxaa ka dhacay weerarkaan ay qaadeen Ciidamada NISA, iyadoo xubnihii ka tirsanaa Shabaab ay iska difaaceen weerarka dhanka NISA kaga yimid.

Saraakiisha Nabad Suggida Degmada Kaxda, ayaa xaqiijiyay xubno ka tirsanaa Al Shabaab in lagu dilay weerarkaasi,waxaa sidoo kale ay xaqiijiyeen qaar kale oo Shabaab ka tirsanaa in lagu dhaawacay isla weerarka.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa gudaha u galay xaafadihii ay daganaayeen Shabaabkii la weeraray, inkastoo aanan la xaqiijin hub iyo maxaabiis inay ka soo dhex qabteen xaafadihii ay galeen ciidamada.

Dagaalka xalay ciidamada NISA ay ku qaadeen Degmada Kaxda, wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab shalay gelinkii dambe askari  ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida ay ku dileen Degmada Kaxda.

Si caadiyan Degmada Kaxda waxaa degan xubno ka tirsan Shabaab oo lawada og yahay, waxayna habeenkii yimaadaan xaafadahooda, halka subaxdii aroortii ay ka baxaan xaafadaha ay Kaxda ka degan yihiin.

SOMALI PRESS ONLINE 2018