Shabaab & Ciidamo Mareykan oo ku dagaalamay Awdheegle

0
67

Awdheegle(SPO)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Shabaab & Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa Baangaraafta xalay ku dhexmaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ciidan ka tirsan kuwa Mareykanka oo wata diyaarado dagaal ayaa ku degay duleedka Degmada Awdheegle, waxaana qaab lug ah ay ku galeen Magaalada gudaheeda, iyadoo dagaal ay kala hor yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab oo ku sugnaa meel ku dhaw Saldhiga Degmada Awdheegle.

Ciidamada Shabaab iyo kuwa Mareykanka ayaa dagaal toos ah halkaasi uu ku dhexmaray, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka Shabaab & Ciidamada dowladda dhexmaray, balse wararka waxa ay sheegayaan inuu jiray khasaare kala duwan oo dhinacyada ka soo kala gaaray dagaalkaasi.

Intii dagaalka uu socday ayaa waxaa la sheegay inay bar bar socotay duqeyn diyaaradeed oo laba gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka mid ah Magaalada Awdheegle gudaheeda.

Gantaalka Koowaad ayaa wuxuu ku dhacay Suuqa Degmada Awdheegle, halka sidoo kale gantaalka labaad uu ku dhacay Xaafadda Caanoole ee Magaaladaasi, lamana garanaayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Shabaab waxa ay sheegeen inay fashiliyeen qorshe ciidamada Mareykanka & Baangaraafta ay ku doonayeen inay weerar kaga gaystaan Magaalada Awdheegle.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here