Shabaab oo Toban sano kadib isaga baxay magaalada Xaradheere

0
83

Xaradheere(SPO)- Ururka Al Shabaab ayaa maanta Toban sano kadib waxa ay isaga baxeen degmada Xaradheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Ka bitixaanka Al Shabaab ee degmada Xaradheere ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay kordheen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geystaan gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay haawanayaa saldhigga iyo xarunta degmada Xaradheere oo Shabaab ay maamulayeen.

Shabaabka ka baxay degmada oo wata gaadiidka dagaalka iyo agab kale ayaa waxaa la sheegay inay u ruqaansadeen deegaano duleedka ka ah Xaradheere.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga qorshaha ay damacsan yihiin Shabaab, maadaama Xaradheere ay ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn gobolka Mudug.

Bishan gudaheeda ayaa diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka waxa ay Afar jeer oo xiriir ah ay duqeeyeen saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dileen saraakiil iyo ciidan Shabaab.

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo ka soo baxay magaalada Gaalkacyo ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka degmada Xaradheere, iyaga oo qorshohooda uu yahay inay la wareegaan goobaha ay baneeyeen Shabaab.


SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here