Soomaalida iyo isbeddelka Geeska Afrika (Maxaad u baahan tahay inaad ogaato)

0
68

Hordhac

Waa tii muddooyinkii ugu danbeeyey isbeddello baaxad weyni ka socdeen gobolka Geeska Afrika. Isbeddelladaasi waxay bilawdeen kolkii xukuumaddii Tigreega (TPLF) ee Itoobiya wakhtigeedii soo idlaaday, ka dib markii ay kala joogsan waayeen dibadbaxyadii ay Oromadu hormuudka ka ahayd. Waa tii Raysalwasaarihii dalkaas ee ay Tigreegu ku adeegan jireen iscasiley, ugu danbayntiina Abiy Axmed loo doortay Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya. Abiy waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo xil sidaas u sarreeya ka qabta dalka Itoobiya, waxa uuna isla markiiba bilaabay inuu isbeddelo waaweyn ka sameeyo gudaha dalka Itoobiya, talada sare ee dalkana ka sifeeyo kooxda TPLF ee hagardaamada iyo dibindaabyada ku haysey qowmiyadaha Itoobiya iyo idil ahaan waddamada Geeska Afrika.

Ereteriya

Ereteriya oo kamid ah dalalka Geeska ku yaalla ee ay cadaawaddu kala dhexaysey xukuumaddii TPLF ee Itoobiya ayaa markiiba waxa saameeyey isbeddelka Itoobiya ka dhacay. Si degdeg ah ayaa Abiy Axmed waxa uu ugu safray Ereteriya isaga oo heshiis nabadeed la saxiixday Madaxweynaha dalkaas, mudane Afwerki. Afwerki ayaa isna booqday Itoobiya iyada oo halkaas si diirran loogu soo dhaweeyey. Xukuumaddii TPLF maaddaama oo ay ka shaqaysay in Ereteriya la cunaqabateeyo, lana go’doomiyo, Abiy waxa uu beesha caalamka ka dalbaday in cunaqabataynta laga qaado Ereteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna u duulay dalka Ereteriya, waxana dib u soo laabtay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee labada dal.

Soomaali Galbeed

Dadka ku dhaqan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxa ay muddo ku dhibbanaayeen xukuumaddii TPFL. Tigreegu waxay ku dadaaleen inay gumeeyaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed. Cabdi Iley oo ahaa dhiig-yacab lagu soo carbiyey gacanta Tigreega ayaa maamulka dhulkaas loo dhiibey. Cabdi Iley, isaga oo adeecaya amarrada madaxdiisa TPFL, waxa uu ku dadaalay inuu gumeeyo dadkiisa, isaga oo geystey gumaad iyo dulmi tiro badan. Ka dib isbeddelkii Itoobiya ka dhacay, waxa talada Soomaali Galbeed la wareegey nin kamid ah dadkii ka cararay dulmiga Cabdi Iley oo lagu magcaabo Mustafe Cagjar. Mustafe waxa uu markiiba bilaabay isbeddello waaweyn, isaga oo soo celiyey magicii rasmiga ahaa ee maamulka “Somali State”, iyo heestii calanka ee Soomaaliyeey Toosoo. Si kale kuma garatid e, Mustafe waxa uu xoreeyey dadkii Soomaaliyeed ee uu gumeeyey dabadhilifkii TPFL ee Cabdi Iley!

Soomaaliya

Soomaaliya waxay kow ka ahayd dalalkii ka nasan waayey dibindaabyada iyo faragelinta xukuumaddii TPFL ee Itoobiya. Muddadii burburku Soomaaliya ka jirey, Tigreegu waxay ku dadaaleen inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya xaaladdaas ugu jiri lahayd, waxayna dhaqan-geliyeen siyaasaddii gumeystaha ee “qaybi oo xukun”. Waxay la tacaamuli jireen maamullada dalka, iyaga oo dhinac maraya xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ka dib isbeddelkii dhacay, Soomaaliya waxay ku guuleysatey inay xukuumadda Abiy ku qanciso in la joojiyo faragelinta Soomaaliya ka dib imaanshihii Abiy Axmed ee Muqdisho. Abiy iyo Farmaajo ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay ka shaqeeyaan sidii gobolka isbeddel uga dhici lahaa, waddamada gobolkuna u wada shaqayn lahaayeen. Taas ayaa dabadeed keentay in Madaxweynaha Soomaaliya, Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ereteriya ay iska kaashadaan isdhexgalka gobolka iyo isu soo dhawaynta shucuubta gobolka, iyaga oo toddobaadkii la soo dhaafay markii labaad ku kulmay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Maamul Goboleedyada

Madaxda Maamullada Soomaaliya ka jira oo markii hore toos ula tacaamuli jirey xukuumadda Itoobiya, isla markaana had iyo jeer u duuli jirey Addis Ababa ayaa gabbalkoodii dhacay. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Abiy Axmed kala hadlay faragelinta Itoobiya iyo la tacaamulka maamullada oo sharci ahaan khalad ah. Abiy waxa uu Farmaajo u ballan qaaday in xukuumaddiisu arrintaas joojin doonto, ayna ixtiraami doonto midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda. Arrintaas ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay madaxdii maamullada ee hoos ordi jirey xukuumaddii TPLF. Akhriste, meel kale haka deyin sababta ka danbaysa khilaafka hadda ka dhex taagan xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, arrintaas ayaa sal u ah!

Somaliland

Somaliland oo sida caadiga ah gobol ka tirsan Soomaaliya ase doonaysa inay Soomaaliya ka go’do ayaa sidoo kale isbeddelka gobolku saameeyey. Somaliland waxay soo dhawayn fiican ka heli jirtey xukuumaddii Tigreega oo jeclaa kala qaybinta iyo kala qoqobka Soomaaliya. Waxay ula dhaqmi jireen sidii waddan madaxbannaan, wadashaqayn fiicanna waa la lahaayeen. Hase yeeshee, xukuumadda Muuse Biixi ee talada Somaliland la wareegtey waxay la kowsatey isbeddelka ka dhacay guud ahaan gobolka, gaar ahaanna Itoobiya. Abiy, isaga oo ixtiraamaya midnimada Soomaaliya, waxa uu marar badan diidey inuu la kulmo Muuse Biixi Cabdi, arrintaas oo werwer ku abuurtay Muuse iyo kooxda la shaqaysa.

Sidaasi darteed, Somaliland waxa hortaalla inay ka faa’idaysato isbeddelka geeska ka socda. Ereteriya iyo Itoobiyaba heshiiye e, maxaa diidaya in maamulka Somaliland la heshiiso Xukuumadda Federaalka?

Jabuuti

Dowladda Jabuuti waxay qayb ka tahay dalalka uu saameeyey isbeddelka Geesku. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyey sidii loo heshiisiin lahaa Jabuuti iyo Ereteriya. Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ka degey caasimadda Jabuuti, iyaga oo la kulmay dhiggooda dalkaas. Jabuuti iyo Ereteriyana waxay ku guulaysteen inay ka heshiiyaan khilaafkii muddada dhex yaalley, waxayna soo ceshadeen xiriirkii ka dhexeeyey.

Hase yeeshee, waxa muuqata in Jabuuti ka maqan tahay kulamada u dhexeeya madaxda dalalka Geeska sida Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Sidaas awgeed, Jabuuti waxa la gudboon inay la jaanqaaddo isbeddelka Geeska ka socda oo ay walaalaheeda Soomaaliya miiska la fariisato codna ku biiriso. Jabuuti waxba ka faa’idi mayso inay iska indhatirto isbeddelka ka socda hareereheeda oo dabcan saamayn ku yeellan doona masiirkeeda.

Maxaa Soomaalida la gudboon?

Ugu danbayntii, Ummadda Soomaaliyeed waxa la gudboon inay fursadda ka faa’idaystaan oo ay si fiican ula jaanqaadaan isbeddelka Geeska ka socda. Soomaalidu maaddaama oo ay ka mid tahay qowmiyadaha ugu ballaaran Geeska, saamayn weyn ayay ku yeellan karaan arrimaha masiiriga ah ee Geeska.

Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiji ah, waxayna leedahay badda ugu dheer Afrika. Itoobiyana waxa ku nool ku dhawaad 100 milyan oo qof. Itoobiya ma haysato bad ay wax kala soo degto, sidaasi awgeed, Soomaaliya waa inay ka faa’idaysataa baahida Itoobiya oo ay dekedaheeda u furtaa Itoobiya, halkaas oo uu dhaqaale badan ka soo geli doono. Taas micneheeduse maaha, dekedaha Itoobiya ayaa la siinayaa sida dadka qaar u fahmaan! Sidoo kale, suuqa Mallaayga/kalluunka ee Itoobiya waa in laga faa’idaystaa oo mallaay loo dhoofiyaa Itoobiya.

Ugu danbayntii, Soomaalidu waa inay ka shaqayso sidii ay isu garabsan lahaayeen qowmiyadda Oromada oo haatan gacanta ku haysa dalka Itoobiya. Oromada iyo Soomaalidu waa isku Kushitik, dhaqan iyo dhulna waa wadaagaan. Sidaasi awgeed, ha laga shaqeeyo sidii labada qowmiyad uga heshiin lahaayeen xurgufta ka dhex taagan. Iskaashiga Oromada iyo Soomaalidu waxa uu noqon doonaa mid saamayn ku yeesha gobolka oo labada dhinacba dan u noqon doona.

W/Q: Ilyaas Xaaji Xuseen

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here