Tababaraha Juventus Oo Magacaabay Xiddigii Beddelay Ciyaarta Ee Guusha U Keenay Manchester United

0
71

Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus, Massimiliano Allegri ayaa farta ku fiiqay laacibka uu aaminsan yahay in Manchester United ay ku faa’iiday ciyaartii xalay lagaga adkaaday kooxdiisa.

Manchester United ayaa 2-1 ku garaacday Juventus oo garoonkeeda joogta balse la hor martay gool uu u dhaliyey Cristiano Ronaldo, waxaase ciyaarta oo afar daqiiqadood oo kali ah ka dhimantay goolka barbar-dhaca United u keenay Juan Mata oo laag xor ah dhaliyey iyo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray oo difaaca Juventus ay iska dhaliyeen kubbad uu madaxa kusoo dhuftay Maruoane Fellaini oo dhinaca bidix uu kasoo laagay Ashley Young.

Allegri ayaa qaybtii labaad ciyaarta oo 1-0 ah waxa uu sameeyey isbeddelo dhawr ah, waxaana midka ugu weyn ee ay ka faa’iidaysatay Manchester United uu ahaa De Sciglio oo difaaca midig ka ciyaarayey kaas oo uu ku beddelay khabiirka culayska dareemaya ee Barzagli.

Mourinho ayaa isaguna Manchester United ku sameeyey laba beddel oo beddelay jewigii ciyaarta kuwaas oo ahaa Juan Mata iyo Maruoane Fellaini oo lagu beddelay Alexis Sanchez iyo Lingard.

Tababaraha Juventus, Allegri oo u muuqda in shaxdii Mourinho ee beddelku ka sarraysay go’aamadii uu ku saaray xiddigihiisa qaarkood, sida De Sciglio iyo Khedira, ayaa waxa uu shaaciyey ciyaartoygii isbeddelka ku sameeyey ciyaarta ee sababta u noqday in Manchester United ay guuleysato.