Trump oo sheegay in uu maanta go’aan ka gaarayo heshiiska Iiraan

0
176

Washington(SPO)-Donald Trump  Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah uu shaaca ka qaadi doono in uu baabi’inayo iyo in kale, heshiiska dhanka niyuukleerka ee quwadaha caalamka ay la galeen dalka Iiraan.

Waxaa uu u dhaliilay heshiiskaasi caalamiga ah oo Iiraan ay ku ogolaatay in ay hakiso hawlaheeda niyuukleerka, taa badalkeedana laga khafiifiyo xayiraadaha dhaqaale ee saaran.

Go’aanka Trump oo kal hore la filayay dhammaadka usbuucan ayaa hadda soo afjaraya dedaal xilliyadii dambe ay wadeen waddamada reer Yurub oo ay doonayeen in ay ku qanciyaan madaxweyne Trump in uu tixgeliyo heshiiskaasi.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, uu magaalada Washington kula kulmay saraakiil Mareykan ah, arrintaa oo qeyb ka ah dedaalada ay wadaan reer Yurub ee lagu badbaadinayo heshiiskaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin hadda qaab kale oo Iiraan looga hor istaagi karo in ay sameysato hub niyuukleer ah.

SOMALI PRESS ONLINE 2018