Tuniisiya: tirada muhaajiriintii ay doontu la dagtay oo korortay

0
181

Tunosia(SPO)-Hay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta ee loo soo gaabiyo (IOM) ayaa sheegaysa in tirada dhimashada muhaajiriintii doontu kula dagtay xeebaha dalka Tunisia maalintii sabtida ahayd ay korortay ayna ku dhinteen ugu yaraan 112 qof.

Maalintii axadda, ayaa waxaa la sheegay in dad gaaraya 50 qof ay dhinteen kadib markii doonidii ay saarnaayeen ay la dagtay.

Sideetan iyo lix kale – oo ka kala yimid Tunisia iyo meelo kale ayaa waxaa soo badbaadiyey ilaalaha xeebaha dalkaas.

Dalkaas ayaa sanadihii dambe noqday marin cusub oo muhiim u ah muhaajiriinta si ay ugu gudbaan qaaradda Yurub.

Arrintaan ayaa imaanaysa kadib markii dalka dariska la ah ee Libya uu qaaday tallaabo kadhan ah dadka wax dhoofiya, kuwaas oo si joogta ah u addoonsada, u jirdila una laaya muhaajiriinta.

Tunisia
Image captionTunisia

Dad shaqo la’aani ay hayso oo u dhashay dalka Tunisia iyo kuwo kale oo ka yimid Afrikada kale ayaa badanaaba raadiya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka kuwaas oo ku safra doonyo kumeel gaar ah ayagoo ka socdaalaya Tunisia si ay u caga dhigtaan Sicily kutaal Talyaaniga.

In kabadan 32,000 oo qof ayaa sanadkaan gaaray Yurub ayagoo sii maray badda, sida ay sheegtay hay’adda IOM, waxaana dhintay 660 oo qof xilli ay isku dayayeen in ay badda ka gudbaan.