Turkey oo sheegtay in markabkii ugu horeeyay ee xambaara diyaaradaha diyaar noqon doono 2019

0
411

ISTANBUL(SPO)-Madaxa Golaha Ganacsiga ee Turkey ayaa sheegay in markii ugu horreeyay xambaara diyaaradaha dagaalka oo loogu magac daray “TCG Anadolu”, oo loo qaabeeyay mid fudud, kasoo ku dhow gabogabo.

Metin Kalkavan, oo ah guddoomiyaha Istanbul, Marmara, Aegean iyo Rugta Ganacsiga Badda Mediterranean iyo Badda Madow, ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu in “Qiyaastii 90% qaybaha dhismaha ee uu ka kooban yahay markabkan uu dhaamaad yahay soo saarkiisu.

Waxa masuulkan uu sheegay soo-saarka markabkan oo ka kooban 114 qaybood uu kor u qaadi doono awoodda ciidamada badda ee Turkey.

Waxa dhanka kale uu sheegay oo uu yiri”Waxaan noqon doonnaa dalka 10-aad ee haysta markab nuucan ah,waxana jira 5 ama 6 kale oo ah soo saara dunida,”.

Dhismaha markabkan ayaa waxa uu bilaabmay sanadkii 2016-kii,waxana loogu talagalay inuu daboolo baahiyaha iyo shuruudaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Turkey, sida joogtaynta hawlgallada dheeraadka ah ee dagaalka fogaanta ama hawlaha gargaarka ee bini’aadamnimo.

SOMALI PRESS ONLINE 2018