Waare oo sheegay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay

0
115

Muqdisho-(SPO)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta ku soo laabtay Muqdisho kadib shirkii uu kaga qeyb galay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ka baxay amniga Muqdisho.

Wuxuu sheegay dowladda federaalka in looga baahan yahay inay ka falceliso amni darada ka jirta magaalada Muqdisho, hadii aanay sidaasi sameyna ay tahay masuuliyad daro cad oo la dayacay.

Waare ayaa sheegay inay walal badan ay ka qabaan amniga Muqdisho, xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay is ilaaliyaan oo ay aad u taxadaraan, maadaama uu tilmaamay inay korortay amni darada.

“Magaalada qad cagaaran ayaa u yaalla, amniga faraha ayuu ka baxay walwal badan ayaan ka qabnaa, xildhibaanada wixii hada ka dambeeya is ilaaliya, waa hadal uu sheegay nin oday ah oo weyn, xaalada magaalada way is bedeshay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa wuxuu kaloo tilmaamay inay walwal ka qabaan ciidanka NISA oo uu sheegay in la kala diray oo qaarkood lagu daray ciidanka Booliska, halka qaarka soo harayna uu sheegay in Hirshabeelle ay ku dhibayaan Jowhar iyo Beledweyne.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu muujinayaa inuu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sababtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeero kulan wadatashi ah 17 ilaa 18 bishan, kaasi oo lagu qabanayo Muqdisho.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here