Wasaarada Arimaha Gudaha oo War Kasoo Saartay Doorashii Ka Dhacday Puntland

0
121

Muqdisho(SPO)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe Maanta ku doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilimi Cismaan (Karaash).

War-saxaafadeed ka soo baxaay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland oo Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe.
Advertisement
Sidoo kale Wasaaradda ayaa Madaxda cusub ee Puntland u rajeysay in uu xilkooda Alle u fududeyso,isla markaana Shacabka reer Puntland uu Alle siiyo Guul iyo horumar.

Doorasho ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha cusub ee Puntland loogu doortay Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 35 Cod ,halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) oo isna helay 47 Cod.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

SPO-Mugadishu
War-saxaafadeed ay soo saartey wasaarada arimaha gudaha Somalia

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here