Wasaaradda waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaankii ay qaaday

0
171

Garowe(SPO)-Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaankii ay ka qaaday dugsiyada ku yaala deegannada Puntland.

Madaxa imtixaannadka wasaaradda waxbarashada Puntland  Axmed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in imtixaankana ay ka qeyb galeen 4359 ardey oo ka kala socotay dugsiyada waxbarashada ee Puntland.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa natiijada imtixaankii aan ka qaadnay dugsiyada Puntland waxaa ka qeyb galay 4359, ardey 2759, waxay ahayeen wiilal, 1600 waa gabdho, waxaa baasay 2696 ardey oo wilal ah, sidoo kale waxaa baasay 1554 gabdhood, waxaa dhacay 40 wiil iyo 37 gabdhood, 32 ardeyna ma gelin imtixaanka ” ayuu yiri madaxa imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Aw Yusuuf Ciise ayaa sheegay in   Saciid Xassan Jaamac Maxamed  oo ka socda  iskuulka Al-Najax  ee Boosaaso uu galay kaalinta koowaad islamarkana uu ku soo baxay darada A 96.29.

‘Sannadkan 16 ayay noqdeen halka awal 10-ka ugu sareysa buundooyinka la soo qaadan jiray, qarkood hadda waxay isla galeen kaalmaha, kaalinta koowaad waxaa u galay Saciid Xassan Jaamac Maxamed oo ka socda iskuulka Al Najax ee magaalada Boosaaso” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland  Abshir Aw Yuusuf Ciise.

Maamulka Puntland ayaa si gooni ah imtixaanka uga qaaday ardeyda wax ka barta iskuulada ku yaala deegannadeeda, dugsiyada kale ee ku yaala maamul goboleedyada dalka waxaa imtixaanka ka qaada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda waxbarashada.

SOMALI PRESS ONLINE 2018