Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha ka Gudoomay Safiirka cusub Turkiga (SAWIRRO)

0
42

Muqdisho(SPO)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya labbada dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka labba geesoodka ah.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labbada dal iyo labbada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka labba geesoodka ah.

Safiirkii hore ee Turkiga oo muddo ka shaqeynaayay Somaliya ayaa la bedelay, waxaana lagu bedelay Safiirkaan cusub. 

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here