Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda ee Somalia oo xilka loo dhaariyey

0
162

Muqdisho(SPO)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhowaan loo magacabay.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacay Villa Hargeysa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagula dardaarmay wasiirka in uu si hufan u guto waajibaadka saaran, iyadoo uu xilka ka bedelayo Wasiirkii hore C/fataax Geesey oo isu casilay qalalaasihii magaalada Baydhaba iyo Faragelintii ay dowladda Somalia ku sameysay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 24 saacadood gudahood ah, kadib markii uu is casilay xilkan u magacaabay Cabdi Aadan Hoosow .

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here