Wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed oo booqday goobaha waxbarashada degmada Xudur

0
310

Xudur(SPO)- Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka waxbarshada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur Ee xarunta gobolka Bakool.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay maamulka gobolka Bakool, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada, macalimiin iyo dadweyne kale.

Wasiirka  iyo wafdigiisa oo ay wehliyaan maamulka Bakool ayaa booqasho ku tagay dhowr iskuul oo ku yaalla degmada Xudur.

Iskuulada wasiirka uu kormeeray oo qaarkood dib u dhis uu ka socday waxaa kamid ah iskuulada gobolka ugu weyn oo wax dayactir ah aan lagu sameynin 27-dii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashada oo warbaahinta la hadlay kormeerka kadib ayaa sheegay in ujeedka booqashadooda ay tahay ogaanshiyaha baahiyaha waxbarasho ee ka jira gobolka Bakool.

Dhanka Kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha waxbarasho ee ka jira gobolka si kor looga qaado tayada waxbarashada.

Wasiirka Waxbarshada inta uu Joogo degmada Xudur waxuu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo macalimiinta iskuulada gobolka Bokool si uu uga warbixiyo manhaj cusub oo wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay soo saarto.

Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay manhaj cusub oo loogu talo galay dugsiyada hoose kaas oo ku qoran afsoomaali.

SOMALI PRESS ONLINE- 2018