XIISADA PL:Xubin ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka ee u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo is casilay

0
68

Muqdisho(SPO) – Axmed Aaden Carab , oo ka mid ahaa guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland ee u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa goor dhow sheegay inuu xilka iska casilay.

Carab, oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inan lagala tashan markii la magacaabayay,isagoo inta ku daray inuusan dooneyn inuu ku sii jiro guddi uu khilaaf ka taaganyahay,sida uu yiri.


“Anigo gurigeyga jooga ayaan ka war helay in guddiga laygu daray, anigana nin odey ah oo Puntland laga yaqaan ayaan ahay, ma doonayo guddi uu khilaaf ka taaganyahay inan ku sii jiro waxaana xasuusinaya dadka in awoodda magacaabiista guddiga uu leeyahay madaxweynaha”. ayuu yiri Axmed Aaden.


Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland ayaa wali waxaa ka taagan khilaaf,iyadoo labo guddi oo iska soo horjeeda ay magacaabeen madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.


Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa ku adkeysanaya in guddiga uu magacaabay uu shaqeynayo, halka madaxweyne ku-xigeenka uu ku eedeyay madaxweynaha in magacaabiista guddiga uusan ka sameyn wax tallo-galyo ah oo aanan lagu kalsoonan karin magacaabiista guddiga,iyadoo khilaafka guddigan uu ku soo aaddayo xilli muddo koobaan ay ka harsantahay doorashada guud ee lagu ballansanyahay in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here