Xildhibaanada KG oo la kala saftay musharixiinta iyo Rajada Abu Mansuur Oo Laga Dayriyey

0
109

BAYDHABO(SPO)– Olalaha doorashada Koonfur Galbeed ayaa si xowli ah uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta goboleedka Bay, Iyadoo musharixniinta ay kulamo gaar-gaar ah la qaadanayaan dadka ku lugta siyaasadda KG.

Amniga magaalo madaxda KMG ah ee maamul goboleedkan ayaa si wayn loo sugay.

Dhinacyadda ay la kulmayaan tartamayaasha ayaa isugu jira Xilldhibaanada gollaha Wakiilada, Odayaasha dhaqanka, Wax-garadka iyo Aqoonyahanada oo isugu jira labaduba – Dumar iyo Rag.

Kulamadda oo todobaadyadii ugu dambeeyay si isbajoog ah ay u qabsanayaan Musharixiinta, islamarkaana ka dhacaya hoteelada ugu caansan magaalada ayaa isugu jira kuwa rasmi iyo kuwa qarsoodi ah.

Xubnaha kasoo muuqday waxaa kamid ah masuuliyiin isugu jirta wasiiro iyo shaqaale ka tirsan maamulka haatan jirta ee uu waqtigu ka dhamaaday kuwaasi oo Murashaxiinta la kala saftay.

Masuul walba wuxuu garab istaag wayn u muujiyay Musharax ay isku heebta yihiin, isaga oo kala shaqaynaya howlaha doorashada iyo xod-xodashada mudanayaasha Baarlamaanka oo ah codbixiyaasha.

Tani waxay kusoo aadaysaa xili mar sii horeysay sii haaya xilka Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Sharci-dejinta Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye uu ku amray wasiirada inay qaab qoraal ah usoo gudbiyeen hantida dowlada.

Sababta ayuu ku sheegay inaanu dhicin ku tagrifal maaliyadeed, maadaama xaalad kala guur ah uu galay dowlad goboleedkan, islamarkaana uu meesha ka baxay Madaxwaynihii, Shariif Xasan Aadan, oo is-casilay.

Doorashada xilka Madaxweynaha  Koonfur Galbeed, ayaa loo madalsan yahay inay qabsoonto 19-ka bishaan December, xili ay dib uga dhacday 5-ta bisha taasi oo noqoneysa markii afaraad oo la baajiyo.

SOMALI PRESS ONLINE

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here