Xulalka Faransiiska iyo Belgimka oo iska xaadiriyay seme-finalka koobka dunida

0
253

Koobka Dunida ee ka soconaya dalka Raashiya ayaa maraya meeshii ugu xamaasada badnayd tartanka, waxaana xalay wareegga seme-finalka iska xaadiriyay xulalka Faransiiska iyo Belgimka kuwaasoo ciyaaro lagu riiqmay oo adag wajahay xulalka Brazil iyo Uruguay.

Aan ku horeyne Xulka Faransiiska ayaa ciyaar uu wajahay xulka Uruguay ee ka socda qaarada Laatiin Amerika waxa uu awood ugu sheegtay 2-0 halka xulka qaranka Beljimka uu isna ciyaar aad u adkayd uu dhulka la galay oo guul 2-1 ah ka gaaray mid kamid ah xulalkii loo saadaalinayay koobkan ee Brazil.

 Haatan koobka dunidu waxa uu marayaa heer gabagabo ah waxaana laga war sugayaa natiijooyinka kulamada maanta ay wada ciyaari doonaan xulalka Swden iyo England iyo waliba xulka marti galinaya koobka ee Ruushka oo isna la ciyaari doona Croatia kuwaasoo hadba labadii soo baxda u gudbi doona wareega semefinalka tartanka.